Shirka Dhuusamareeb oo weji kale yeeshay

16

Wararka ay KNN ka heshay Shirka Dhuusamareeb ayaa muujinaya in waji cusub uu galay keddib markii Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland ay ka noqdeen go’aankii Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi lagu siiyay 4 xubnood oo ku biiraya Guddiyada Federaalka iyo kan Somaliland.

Puntland iyo Jubaland waxay qabaan in Senator Cabdi Xaashi yahay hoggaanka rasmiga ah ee Somaliland, loona daayo inuu doorkiisa qaato.

Lama oga isbadalka ku yimid labada Dowlad Goboleed, balse waxaa ilaa shalay socday cadaadis beesha caalamka oo ku saabsan in Madaxweyne Axmed Madoobe uu aqbalo qorshaha xalka loogu raadinayo Gobolka Gedo ee ahaa in Booliis Amisom la geeyo, guddiga doorashooyinka ee uu magacaabayna ay ka hawl galaan Garbahaareey.