Musharax Daahir Geelle”Shirka Dhuusamareeb waa in lagu gaaro heshiis siyaasadeed oo kama danbays ah si loo ilaaliyo xasilloonida yar ee hadda jirta”

16

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa ka hadlay Madaxweynaha Muddo xileedkisa uu sii dhamaanayo ee Soomaaliya iyo sidoo kale shirka ka soconaya Magaalada Dhuusamareeb ee looga hadlaayo Arrimaha doorashooyinka.

Waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Saddex Maalmood oo kaliyah ay ka hartay Muddo xileedkiisa, islamarkaana ilaa iyo hada aysan jirin heshiis doorasho oo la gaaray taasoo ah mid wel wel leh.

“Jimcada maanta waa jimcada ugu danbeeysa muddo xileedka madaxweynaha xilka ka sii dagaaya, waxaa u harsan seddex maalmood oo kaliya! Waxaa walwal leh in uusan wali jirin heshiis siyaasadeed oo qeexaaya doorashada uu ku imaan lahaa madaxweynaha xilka kala wareegi doono. Shirka Dhuusamareeb waa in lagu gaaro heshiis siyaasadeed oo kama danbays ah si loo ilaaliyo xasilloonida yar ee hadda jirta” ayuu yiri Daahir Maxamuud Geelle.

Waxaa uu intaasi kusii daray” Madaxweynaha xilka ka sii dagaaya waxaa la gudboon in uu daacad ka noqdo miradhalka wadahadallada Dhuusamareeb, kana tanaasulo arrimaha carqaladda ku ah. Tanaasulka aan maanta ka doonayno ma aha in uu ka tanaasulo xaqiisa ee waa in ka fuqo xaqa dadka kale’