Xilliga uu furmayo kulanka Golaha Shacabka oo la shaaciyay

13

Guddoonka baarlamaanka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay in beri oo Sabti ah 06 February, uu jiro Kulan Gaar ah oo Madaxweynaha JFS soo codsaday.

Ajandaha ayaa ah:Warbixin ku saabsan Xaalada Guud ee Dalka iyo Doorashooyinka Qaranka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in baarlamaanka Soomaaliya ay muddo kordhin u sameyn doonaan madaxweynaha Soomaaliya, halka wararka qaar ay sheegayaan in muddo kordhin ay sameysan doonaan golaha shacabka, inkastoo wax walbo ay isbadeli karaan.