Wasiiro & Xildhibaano shir ka yeeshay dagaal Beeleedka Gobolka Galgaduud

13

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad goboleedka Galmudug waxaa Maanta kulan ku yeeshay Xildhibano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, wasiiro ka tirsan Maamulka Galmudug uyo Bulshada qeybahooda kala duwan.

Shirka ayaa waxaa looga hadlayay sidii xal looga gaari lahaa dagaalka u dhaxeeya labada maleeshiyo Beeleed oo Afar Maalin oo xiriir ah ka dhacay degaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa oo ka tirsan Xildhibannada Golaha Shacabka ayaa sheegay in shirkooda uu kaso baxay sidii loo hir galin lahaa xabad joojin shuruud la’aaan ah.

“ Waxaa shir noogu qabsoomay magaalada Dhusamreeb annaga  oo ka kooban Xildhibaanno, wasiirro, culimo iyo bulshada  qaybaheeda kala duwan oo aan uga arinsanay dagaalka Xananbuuro.Waxaa ka soo baxay inaan u dhaqaaqno sidii loo hir galin lahaa xabad joojin shuruud la’aaan ah iyo ciidammo kala qaadis 24 gudahood ayuu yiri” Xildhibaanka.

Dagaal Beeleedka ka dhacay degaanka Xananbuure oo ah mid soo lab laabtay ayaa muddo Afar Maalin ah uu halkaasi ka socday, iyada oo ilaa iyo hadda aysan ka hadlin Madaxda Sare ee dowlad Goboleedka Galmudug.