Wasiirka Beeraha Soomaaliya oo ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo ku saabsan Ayax ku habsaday Koonfurta Soomaaliya

23

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday xaalad deg deg ah oo ku saabsan Ayaxa lama-degaanka ee ku dagay Koonfurta Soomaaliya oo dhibaato weyn u geystay beeraleyda.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya oo kulan deg dega maanta la yeeshay Madax ka socotay Wasaaradaha beeraha ee maamul goboleedyada iyo hey’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya wax soo saarka iyo deeqbixiyayaasha ayaa ku dhawaaqday xaalad deg dega oo ku saabsan Ayax ku degay Koonfurta Soomaaliya sida Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, kaas oo qasaaro badan u geystay beeraleyda, islamarkaana horseeday xaalad cuno yari ah, maadaama uu baabi’yay dalagyo badan, taas oo saameyn weyn ku yeelatay qoysas badan oo ku tiirsan tacabka beeraha iyo wax soo saarka.

Xaaladaha roobkii deyrta oo ka hoos maray heerkii caadiga ahaa, daadadkii saameeyay dhul beereedyada iyo xaddiga khasaaraha ay geesteen ayaa dhinaca kale lagu sheegay cilado kale oo badan oo qeyb weyn ka qaatay hoos u dhaca ku yimid wax soo saarka, taas oo hadaan meel looga soo wada jeesan sababi karta cuno yari intaan ka badan oo sababi karta halis badan.

Hadaba Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya ayaa markii ay daristay natiijada kasoo baxday qiimeynta sugnaanta cuntada Soomaaliya ee deyrtii la soo dhaafay ee 2020, waxayna ku dhawaaqday xaalad deg deg ah oo ku saabsan Ayaxa ku dagay Koonfurta Soomaaliya.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid oo gabgabadii warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa xusay in iyaga oo kaashanaya maamul goboleedyada ay qaadi doonaan  talaabooyin deg deg ah oo lagula dagaalamayo Ayaxa oo saameyn aan la koobi karin ku yeeshay wax soo saarka dalka.