Shiikh Shariif oo walaac ka muujiyay arrimaha doorashooyinka

10

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed, kana mid ah Midowga Musharixiinta Madaxweynaha oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu si kulul ugu hadlay marxalada siyaasadeed ee xilligan uu dalka marayo iyo arrimaha doorashooyinka.

Madaxweyne Shariif ayaa walaac xoogan ka muujiyay in weli aan heshiis laga gaarin arrimaha doorashooyinka, islamarkaana waxaa uu sheegay inuu dhamaaday waqtiga dowladda loo asteeyay.

Sidoo kale Shiikh Shariif ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in Midowga Musharixiinta Madaxweynaha, Guddoomiyaha Aqalka sare iyo Ururada Bulshada rayidka ay muhiim aheyd inay ka qeyb-galaan shirka looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka ee haatan madaxda DFS iyo kuwa dowlad goboleedyada uu ugu socda Magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Madaxweynihii hore Soomaaliya ayaa waxaa uu soo hadal qaaday muddo xileedka Madaxweynaha dowladda Somaaliya oo geba-gabo maraya, waxaana uu sheegay in hadii uu dhamaado wax walba oo la gaarayo ay noqdaan heshiis siyaasadeed, isla markaana aysan aqbaleyn muddo kororsi, sida uu hadalka u dhigay.