Dowladda oo Maxkamad Ciidan ka hirgelineysa dowlad Goboleedyada

12

Wasiiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa kormeeray Xarumaha  iyo Xafiisyada ay ku shaqeeyaan Laamaha Garsoorka Dalka, isagoo Kulan la qaatay , Guddomiyaha Maxkamada Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Maxamuud Axmed (Dalab ) , Guddoomiyaha Maxkamada darajada Koobaad Ee Ciidamada Qalabka Sida Ee Korneel Xasan Cali Nuur Shuute , Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida  , sidoo kale waxa uu kormeeray Xafiisyada ay ku shaqeeyaan.

Xasan Xuseen Xaaji ayaa u jeedka kormeerkiisa la xariirtay u kuurgelidda hanaanka Shaqo iyo howlaha Baaxadda leh ee ay qaranka u hayaan.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sidoo kale tilmaamay in kulamada uu la qaatay Masuliyiintan uu ku qotomo Sidii Maxkamadda Ciidamada looga Hergalin lahaa guud ahaan Maamul gobaleedyada Dalka , isagoo balan-qaaday in Wasaaradda Gaashaandhigga ay ka qeybqaadaneyso Sare u qaadidda aqoonta Saraakiisha ka howlgala Maxmadaha iyo Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida .