Mucaaradka oo sheegay in aysan aqbali doonin in hay’adaha dowladda ee waqtigooda dhamaaday ay maamulaan dalka.

20

War Qoraal oo ka soo baxay musharixiinta mucaaradka ayaa waxaa madaxda ku shirsan magaalada Dhuusamaeeb looga baaqay in shirka uu noqdo Mid Loo dhan yahay si loo meel mariyo qodobada kasoo baxa Shirka.

“GolahaMidowgaMusharraxiinta wuxuu hare ugu baaqay in shirk.a ka dhacaya magaalada Dhuusamarreeb uu noqdo mid loo dhanyahay oo ay ka qayb galaan saamileyda siyaasadeed Iyo ururrada bulshada,si go’aammada ka soo baxaya ay u noqdaan kuwa wada oggol ah oo la meelmarin karo,meteli karana rabitaanka shacabkaSoomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale Golaha musharixiinta ayaa waxaa ay ka digeen inaysan aqbali doonin dalka ay xukumaan shaqsiyaad iyo hay’ado mudo xileedkooda dastuuriga dhamaaday.

“Goluhu wuxuu ka digayaa inuusan aqbali doonin in dalka ay xukumaan shakhsiyaad Iyo hay’ado muddo xileedkooda dastuuriga dhammaaday.”