Tirada askar kale oo maanta ka soo goosatay wasiir Janan oo la shaaciyey

13

Maamulka Gedo iyo saraakiisha ciidamada xooga dalka ee ku sugan degmada Beledxaawo ayaa sheegay in ay isku soo dhiibeen askar ka soo goosatay ciidamada Jubbaland ee ku sugan gudaha Kenya, gaar ahaan aagga magaalada Mandheera.

Askartaan isi-soo dhibtay ayaa tiradooda lagu sheegay 14 askari oo ku hubesan qoryahoodii, waxaana sidaan oo kale xalay isku soo dhiibtay sideed askari, sida ay KNN u xaqiijiyeen mas’uuliyiinta iyo saraakiisha ciidamada ee ku sugan Beled-Xaawo.

Ciidamadaan waxaa la sheegay inay ka amar qaadanayeen wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan, waxay arrintaan ku soo aadeysaa xilli uu shalay iclaamiyey inuu dagaal ku qabsa doono Beled-Xaawo.