Qatar oo si adag uga hadashay dhalinyaradii tababarka loogu qaaday Eritrea

8

Dowladda Qatar oo war-saxaafadeed soo saartay ayaa si adag uga hadashay wararka la xariira in dhalinyaro Soomaaliyeed oo tababarka loogu qaaday dalka Eritrea ay ka qeyb qaateen dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray ee dalka Itoobiya.

Ugu horeyn Qatar waxay nasiib darro ku tilmaantay in dhalinyaradaas markii hore dalkooda looga qaaday in la geynayo dalka Qatar oo shaqo iyo tababar fiican lagu siinayo.

Qoraalka ka soo baxay Qatar ayaa waxaa dowladaha Soomaaliya iyo Eritrea looga dalbaday inay baaritaan dhab ah ku sameeyaan waxa ka jira arrinta ku aadan wararka laga faafiyey dhalinyaradaas.

Dowladda Qatar ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay cambaareyneyso tallaabooyinka noocaan oo kale oo looga been abuuranayo xukuumadda Dooxa.