Mareykanka “Ma aqbaleyno doorashooyin is-barbar socda”

3

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo ka hadashay doorashada Soomaaliya ayaa waxaa ay ugu baaqday madaxda dowladda Federaalka  iyo dowlad goboleedyada in ay xiliyaan muranka doorashada.

War qoraal ah oo lagu daabacay bogga safaaradda ee Twiter-ka ayaa lagu yiri:

“Waxaan ka dalbaneynaa Madaxweyne Farmaajo, Madaxweyneyaasha Puntland, Galmudug, Koofur Galbeed, Hirshabeelle, iyo Jubbaland  in ay xaliyaan arrimaha taagan si loo suurtageliyo doorashooyinka nabdoon ee dadka Soomaaliyeed u qalmaan. Ma jiri karaan doorashooyin hal dhinac ah ama geedi-u-socodyo is-barbar socda”.

Hadalkaan ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli weli uu meeshiisii taaganyahay muranka Doorashada oo lagu wado in ay sannadkaan ka dhacdo dalka.