Dagaal ka dhacay Degmada Diinsoor

11

Wararka ka imaanaya gobolka Baay  ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaal u dhexeeya ciidamada daraawiishta Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya iyo dagaalameyaasha Al-Shabaab uu ka dhacay degmada Diinsoor ee gobolkaasi.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay markii ciidamada Koofur Galbeed ay weerar ku qaadeen deegaanka 30 KM u jira degmnada Diinsoor ee gobolka baay, iyadoona dagaalka uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ammaalduulaha Daraawiiishta maamulka  Koofur galbeed ee  degmada Diinsoor  Ibraahim Aadan Cali oo la hadlay KNN ayaa waxaa uu sheegay in dagaalka ay ku dileen saraakiil iyo dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in weli howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka wadaan duleedka degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Ciidamada koofur Galbeed iyo Al-Shabaab ayaaa dhowr waxaa uu dagaal ku dhexmaray deegaano ka tirsan gobolka Baay, iyadoona khasaaro uu soo gaaro labada dhinac.