DFS oo sheegtay in ciidamada Kenya ee ku sugan soomaaliya aysan ku kalsooneen

11

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arirmaha dibedda ee xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa markale looga hadlay warbixintii ka soo baxday guddiga xaqiiqo raadinta ee urur goboleedka IGAD.

Wasaarada arrimaha dibada Soomaaliya ayaa ugu baaqday urur goboleedka IGAD in ay wax ka badesho  warbixinta ay soo gudbiyeen guddiga xaqiiqo raadinta ee ururka uu u diray xuduudda ay la wadaagto Kenya, ayada oo sheegtay in warbixintaas ay si weyn saameyn ugu yeelatay Kenya.

Warbixinta dowladda ayaa lagu sheegay in guddiga ka socday Jabuuti ay u eexdeen Kenya, sida ay sheegtay.

Sidoo kale wasaarada arimaha dibada Soomaaliya ayaa sheegtay in tan iyo markii guddiga uu howshiisa billaabay 9-kii Janaayo uu dhowr mar oo is-xigxigay booqday Kenya, halka uu Soomaaliya u yimid si kooban oo kaliya.

“Guddiga wuxuu sidoo kale warbixintiisa ku qirtay in lagu qaaday diyaaradaha helicopter-ka ee ciidamada Kenya, xilli guddiggu ku guda jiray shaqo xaqiiqo raadin ah oo la xiriirtay ciidamada ay Kenya soo dhoobtay xuduudda. Taas waa qirasho qeexeysa eexda guddiga, islamarkaana dhaawaceysa isku haleynta iyo sidoo kale dhex-dhexaadnimada dowladda Jabuuti, taasi oo sidoo kale dhaawac ku ah IGAD,”

Wasaaradda arimaha dibada Soomaaliya  ayaa sidoo kale sheegtay in warbixinta guddiga ay si weyn u dhaawaceyso dhex-dhexaadnimada iyo maqaamkii Jabuuti ee ahaa saaxiib la aaminay oo dhex-dhexaad ah.

“Sidaas darteed la yaab ma lahan in natiijada howlgalka xaqiiqo raadinta guddiga ay noqoto mid dhan u janteerta, qabyo ah, oo aan sal laheyn, waxayna muujineysaa inay si cad u faro-gelisay dowladda Kenya, saameyna ugu yeelatay warbixinta,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyn war saxaafadeedka ka soo baxay dowladdu ayaa lagu ku sheegey in aysan ku kalsooneyn in ciidanka KDF ay ka qayb qaadan karaan xasilinada iyo nabadda Soomaaliya balse ay Kenya uga faa ii deysaneyso danaheeda arimaha Soomaaliya