Taliska Booliska Oo Ka Hadlay Kufsi Iyo Dil Loo Geystay Gabar 8-Sanno Jir Aheyd

10

Taliska Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay fal isugu jiray kufsi iyo Di Gabar yar loogu geystay deegaanka Calamada ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Afhayeenka Booliska Sadiiq Aadan Doodishe oo shir jaraa’id warbaahinta u qabtay ayaa waxaa uu sheegay in falkaas foosha xun uu shalay ka dhacay Kaam ku yaalla inta u dhexeeysa Xaawo Cabdi iyo deegaanka Calamada.

Waxaa uu sheegay Afhayeen Doodishe in iskaashi dhexmaray Ciidanka Booliska dowladda iyo kuwa Gobolka Shabeellaha Hoose lagu soo qabtay Ninkii ka dambeeyay kusfiga iyo dilka, isla markaana haatan uu xiran yahay Xarunta Hay’adda CID-da.

Eedeysanaha ayuu magacaabiisa ku sheegay Bahsiir Maxamed Qaasimo, waxaana uu Afhayeenka Ciidanka Booliska Sadiiq caddeeyay in NInkaas loo gudbin doono Maxkamadda, si cadaalada loo marsiiyo.

Dadka deegaanka Calamada ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa aad u hadal haaya dhacdada aadka u foosha xun ee halkaas ka dhacday laguna kufsaday Gabar oo 8 sanno jir aheyd, kadibna la dal-dalay, waxaana horey deegaano ka tirsan dalka uga dhacay falkaan oo kale.