DF Soomaaliya oo ku gacan sayrtay warbixintii guddiga xaqiiqa raadinta xuduuda

12

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in guddigii xaqiiqa raadinta ahaa ee loo diray xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, uu la saftay dowladda Kenya.

Guddigaas oo laga iclaamiyey shirkii 20-kii bishii December ay madaxda IGAD ku yeesheen dalka Jabuuti ayaa loo diray xuduuda si loo baaro waxa ka jira cabashada Soomaaliya ee ah in Kenya ay jabhad ka abaabuleyso xuduuda ay wadaagaan labada dal.

Guddiga oo shalay soo saaray warbixin ayaa sheegay in xuduuda aysan ku soo arkin wax cadeynaya sheegashada Soomaaliya ee ah in Kenya ay abaabuleyso jabhad weerarro uga fulisa gudaha Soomaaliya.

Wasiir Dubbe ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay warbixintii guddiga, isagoo ku eedeeyey in aysan dhexdhaxaad aheyn oo ay soo saareen warbixin hal dhinac ah.

“Markii uu xumaaday xiriirkii aan la laheyn Kenya waxaa la isugu tegay shirkii Jabuuti, waxaa lagu heshiiyey in guddi loo saaro arrinta, Soomaaliya way ku faraxday markii Jabuuti loo xil saaray baaritaankaas, warbixintii waa soo baxday, balse dowladda Soomaaliya waxuu ku noqday fajac iyo amakaag, wax kasta oo Soomaaliya ay dhibsatay oo ay ka dacwootay guddigu waxa uu ka dhigay waxba kama jiraa,” ayuu yiri wasiir Dubbe.