Cali Guudlaawe Iyo Beesha Caalamka Oo Ka Wada Hadlay Khilaafka Doorashada

17

Wakiilada Beesha Caalamka ee taageera dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan qadka Internet-ka gaar ahaan aada loo yaqaano ZOOM-ka kula qaatay Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

Kulanka dhexmaray Beesha Caalamka iyo Madaxweyne Guudlaawe ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo muranka weli ka taagan qabsoomida doorashada Soomaaliya ka dhaceysa 2021.

Labada dhinac ayaa kulankooda sigaar ah diirada ugu saaray muhiimadda leeyahay iyo baahida degdegga ah ee loo qabo in hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee dalku ay xal ka gaaraan khilaafaadka la xiriira doorashooyinka.

Sidoo kale Madaxweyne Cali Cabdullaahi Guudlaawe ayaa Beesha Caalamkam uga warbixiyay xaaladiihii ugu dambeeyay ee deegaanada Maamulka Hirshabeelle iyo mashaariicda horumarineed loo baahan yahay in la fuliyo.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa kulan looga hadlaayay xal u helida khilaafka ka taagan doorashada la qaatay Madaxweyneyaasha Puntland iyo  Galmudug Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Beesha Caalamka ayaa dadaalo xoogan ugu jirta sidii xal buuxa looga gaari lahaa caqabadaha ku hor gudban doorashada dalka, waxaana sidoo kalena dadaalada ka qeyb ah Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.