Khasaare ka dhashay qarax lala beegsaday shaqaale wax ka dhisa laamiga Muqdisho iyo Afgooye

13

Gaari ay la socdeen shaqaalaha Soomaalida ah ee la shaqeeya injineerada Turkida ah ee dhismaha ku wada wadada xariirisa Muqdisho iyo Afgooye ayaa goor dhaw lagu qarxiyey degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Inta la xaqiijiyey hal qof shacab ah oo wadada marayey ayaa ku geeriyooday qaraxaas, sidoo kale qof kale ayaa ku dhaawacmay, waxaana ka badbaaday shaqaalihii lala beegsaday ee la socday gaariga.

Goobjoogayaal ayaa KNN u  sheegay in khasaare uusan soo gaarin xubnihii la socday gaariga oo sida la aaminsanyahay uu bartilmaameedku ahaa.

Al-Shabaab ayaa inta badan beegsada shaqaalaha iyo injineerada Turkida ah ee dhisaya wadada laamiga ah ee xariirasa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.