Booliska Puntland oo D/Dhahar ka fuliyey howgal khasaare sababay

13

Wararka aan ka heleyno gobolka Bari ee Puntland waxay sheegayaan in ciidamada booliska ee ka howlgala degmada Dhahar ay fuliyeen howlgal sababay khasaare dhaawacyo ah.

Ciidamada ayaa jid gooyo u dhigtay nin la sheegay inuu soo dhacay gaari, kaas oo ku hubeysnaa qori AK-47 ah, waxaana halkaas ka dhacay iska hor imaad xoog leh.

Is-rasaaseyn mudo socotay kadib, waxaa dhaawac halis ah la gaarsiiyey ninkii soo dhacay gaariga, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan booliska Puntland, sidoo kale askari ka tirsan ciidamada booliiska Puntland ayaa ku dhaawacmay howlgalkii lagu qabanayey ninkaas soo dhacay gaariga.