Khasaare ka dhashay qarax ka dhacay Diinsoor

13

Wararka aan ka heleyno degmada Diinsoor ee gobolka Bay waxay sheegayaan in goor dhaw uu ka dhacay qarax khasaare geystay, kaas oo ahaa mid miino.

Inta la xaqiijiyey laba askari oo ka tirsan booliska Koonfur Galbeed iyo seddax qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay qaraxaas.

Qaraxa ayaa ka dhacay goob maqaayad ah oo horay loogu sii aasay.

Xuseen Aadan Cali oo ah goobjooge ku sugan Diinsoor ayaa goor dhow nooga waramay.