Al-Shabaab oo weerar ku qaaday ciidan marayay meel u dhaw Balcad

13

Wararka laga helayo Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab duleedka degmada Balcad ku weerareen gaadiid ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Balcad ayaa sheegay in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay is weedaarsanayeen labada dhinac. dagaalka ayaana si gaar ah uga dhacay wadada Ilbiq oo u dhaxeysa degmada Balcad iyo deegaanka Gololey.

Kooxda Al-Shabaab oo war ka soo saaray dagaalka ayaa sheegay in ay weerarka ku dileen 5 askari oo ka tirsan Militiriga Soomaaliya.

Saraakiisha ciidamada Militiriga Soomaaliya ayaan weli ka hadlin dagaalka maanta lagu qaaday kolonyadan ciidamada xoogga ka tirsan.

Deegaanka Ilbiq ayaa u dhow Tuulada Gololeey,waxaana dhowr mar lagu weeraray Ciidamo ka tirsan dowladda iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle oo qaarkood lagu dilay.