Dowladda Oo Sheegtay Inay Dhiseyso Ciidamo Lagu Kalsoon Yahay

30

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya diyaar u tahay dhismaha ciidan Qaran oo lagu kalsoon yahay iyo maalgelintooda.

Wasiir Xasan Xuseen ayaa waxaa uu sheegay in Dowladda Federaalka ay ka qeyb qaadaneyso tayeynta, daryeelka iyo wax kasta oo ay u baahan yihiin ciidanka Qaranka.

“Dowladda Soomaaliyeed waxay diyaar u tahay in ay dhisto ciidan qaran oo lagu kalsoonyahay, dhaqaalaha ugu badan ee Dowladda waxaa lagu bixiyaa ciidanka,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiir Xasan Xuseen Xaaji oo sii hadlayay ayaa yiri” Ummad waxay qiimo ku leedahay ciidankeeda oo waajib ka saaran yahay Difaaca Xudduudooda, Baddooda iyo cirka,”.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ku bixineysa in la dhiso ciidamo qaran oo howlaha sugidda amniga kaalin weyn ka qaata. Ciidamada xoogga dalka ee hadda dhisan waxay qeyb weyn ka qaateen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo deegaano badan oo dalka ah laga xoreeyay.