Madaxweynaha Puntland Oo Maanta Shirweyne Ka Daah-Furay Garoowe

18

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa daah-furay Shirweynaha saddexaad ee Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Puntland, oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa bogaadiyey Shirka isagoo rajeeyay in maalmaha uu socdo ay kasoo baxaan tallooyin wanaagsan, oo ka qeyb qaata badaadinta deegaanka.

Madaxweyne Deni ayaa la wadaagay shirka in ciidamada ay dhistay ay door muhim ka qaadan doonaan in sharciga la mariyo dadka dhirta jara iyo kuwa dhulka qabsada iyagoo ganacsi ka raadinaya.

Shirweynaha 3-aad ee Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Puntland oo socon doona muddo saddex maalmood ah, waxaa ka qeybgalay Goleyaasha Puntland, Hay’addaha Dowladda kala shaqeeya arrimaha deegaanka, Guddoomiyeyaasha degmooyinka, Aqoonyahanada, Waxgaradka , Culimada iyo Ururada Bulshada.