Midowga Afrika Oo War Kasoo Saaray Xiisada Xuduudka Somalia Iyo Kenya

17

Guddoomiyaha Midowga Afrika Mousa Faki ayaa ka hadlay xiisada ka taagan xuduudka u dhexeey Soomaaliya iyo Kenya, kadib markii habeen horey dagaal khasaaro geystay uu ka dhacay degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo.

Guddoomiye Mousa Faki oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay inuu la socdo xiisada ka taagan xuduudka labada dal, waxaana uu sheegay in laga shaqeyo nabad ay tahay mid muhiim ah.

Sidoo kale Mousa Faki ayaa tilmaamay in ka walaacsan yihiin xiisada taagan, isla markaana waxaa uu dalalka deriska ah ee Soomaaliya iyo Kenya ku booriyay inay xaaladda dejiyaan oo wada hadal galaan si waafaqsan hannaanka IGAD hoggaamineyso

“Waxaan aad u la socdaa xiisada u dhexeeysa Soomaaliya iyo Kenya ee ka taagan xuduudka labada dal, Nabadda xadka ayaa aas aas u ah xasilloonnida Gobolka”ayuu yiri Mousa Faki oo Qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Si kastaba hadalka Guddoomiya Midowga Afrika Mousa Faki ayaa waxaa uu kusoo aadaya, iyadoo shalay dowladda Federaalka Soomaaliya ay Kenya ku eedeysay in jabhad ay soo hubeysay ay weerar kusoo qaadeen degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaal saacado qaatay oo dhexmaray Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa uu hoggaaminayay Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo ka dhacay Balad-xaawo.