Al-Shabaab Oo Xukun Ku Fulisay Nin Kufsi Ka Geystay Galgaduud

23

Dagaalayaasha Al-shabaab ayaa goob fagaare ah oo ku taalla degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduug waxaa ay xukun karbaash ah ku fuliyeen Nin la sheegay inuu fal kufsi ah u geystay Gabar kamid ah dadka deegaanka degmadaas.

Al-shabaab ayaa boqolaal dadweyne isugu keenay goobta uu xukunka karbaashka ka dhacaayay, si ay u daawadan, waxaana xukunkaas lagu fuliyay Nin lagu magacaabo Mowliid Cali Warsame oo kufsaday Gabar lagu magacaabo Khadro Farxaan.

Sidoo kale Mowliid ayaa lagu dhuftay 100 karbaash oo ah xukunkii lagu riday , isla markaana waxaa Ninkaas laga qaaday 22 neef Ari, sidoo kalena muddo sanada ah laga masaafuriyo deegaanka uu kufsiga ka geystay.

Al-shabaab ayaa horey sidaan oo kale rag geystay falal kala duwan ku fulisay xukuno isugu jiray dil toogasho iyo mi karbaash ah, waxaana sidoo kalena Al-shabaab ay xukuno ku fulisay rag kale oo lagu eedeeyay inay la shaqeynayeen dowladda Soomaaliya iyo dowlado kale oo reer galbeed ah