Daba-Geed Oo Booqday Ciidamo Sugaya Amniga Doorashada Xildhibaano

17

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Habar Daba-geed ayaa Maanta booqday xerada ay ku jiraan Ciidanka Haramcad ee dowladda Federaalka Soomaaliya geeysay Magaalada Baladweyne.

Yuusuf Daba-geed ayaa Ciidanka Booliska dowladda ee Haramcad kala hadlay isku diyaarinta xaqiijinta amniga Magaalada Baladweyne iyo doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee halkaas ka dhaceysa.

“Waxaan maanta booqasho ku tagnay xerada ciidamada gaarka ah ee Haramcad ee Magaalada Beledweyne. Ciidanka ayaan kala hadlay isu diyaarinta xaqiijinta amniga iyo kala dambeynta, maadaama ay nagu soo fool leeyihiin doorashooyinka qaranka” ayuu yiri Daba-geed.

Dowladda Federaalka ayaa dhawaan Ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramcad ku daabushay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana ujeedka halkaas loo geeyay Ciidanka uu yahay sugida amniga doorashada Xildhibaanada.

Baladweyne ayaa kamid ah Magaalooyinka loo qorsheeyay inay ka dhacdo Doorashada Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ee kasoo jeeda deegaanada dowlad Goboleedka Hirshabeelle.