Wasiirka Amniga oo Talyeyaasha degmooyinka faray wax ka qabashada amniga Muqdisho

16

Wasiirka amniga xukumadda federaalka Soomaaliya Xasan Xundubeey Xaaji ayaa maanta kulan la qaatay talyeyaasha amniga degmooyinka gobolka Banaadir.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa ka dhacay xaruunta Taliska Booliiska Soomaaliyeed ee Muqdisho, waxaana looga hadlay dardargalinta amniga magaalada.

Wasiirka amniga ayaa saraakiisha amniga faray wax ka qabashada falalka amni darro ee soo kordhay, iyo ay mas’uuliyad iska saaraan amniga magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaana ku soo aadaya xili maalmihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho ay ka dhacayeen dilal iyo qaraxyo loo geystay mas’uuliyiin iyo dad shacab ah.