Puntland oo sheegtay in gacanta lagu dhigay waxyaabaha qarxaha

18

Ciidamada ammaanka ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo iyo duleedkeeda ay ku soo qabteen waxyaabaha loo adeegsado qaraxyada.

Saraakiisha Laamaha Amniga Gobolka Mudug ayaa sheegay in ay ku guulaysteen soo qabashada agab walxaha qarxa ah.

Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Amniga dowlad goboleedka Puntland Mudane Cabdulaahi Cabdisalaan, Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Mudug Muumin Cabdi iyo Taliyaha Ciidanka Daraawishta Gobolka Mudug ayaa warbaahinta usoo bandhigay agabyadan walxaha qarxaa iyagoona sheegay in wali wadaan baaritaano la xiriiraha qaraxyadan.

Sidoo kale masuuliyiinta ayaa sheegay in howlgal ammaanka lagu sugayo ay ka socdaan guud ahaan gobolka Mudug