Wakiilka QM ee Soomaaliya oo gaaray Dhuusamareeb iyo Ujeedka

11

Wafdi uu hoggaaminayo Eragayga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb. Wafdigan ayaa waxaa kamid ah mas’uuliyiin ka socda he’yadaha hoostaga Qaramada Midoobay ee UNDP iyo WFP.

Ujeedka safarka mas’uuliyiinta ka socda Qaramada Midoobay ee Dhuusamareeb ayaa la xiriiro xal u helida khilaafka ka taagan doorashooyinka iyo sidii xal mideysan loogu heli lahaa.

Wafdigan maanta gaaray Dhuusamareeb waxay hadda kulan la leeyihiin madaxda dowlad goboleedka Galmudug sida madaxweyne qoor qoor iyo ku xigeenkiisa cali ciid waxa ayna kala hadlayaan madaxdaan khilaafka ka taagan doorashada dalka, waxaana xusid mudan in beesha caalamku ay hadda wado dadaallo la isugu keenayo dhinacyada iska leh go’aanka hir-gelinta doorashada Soomaaliya.

James Swan ayaa maalmihii u dambeeyey wada wada-tashiyo ku aadan muranka ka jira doorashooyinka ka waday magaalada Muqdisho, isagoo qadka internetka kula xariiray madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, oo aad u diidan hannaanka ay dowladda dhexe u hir-gelineyso doorashooyinka.