Ciidamada Dowladda iyo Al Shabaab oo ku Dagaalamay Buulo-burde

19

Wararka ka imaanaya magaalada Buula-barde gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu maanta ka dhacay dagaal khasaare geystay u dhaxeeyay ciidamda dowladda, AMISOM oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, ka dib markii koox ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab xalay saqdii dhaxe ay weerar ku soo qaadeen saldhig ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Jabuuti ee ka tirsan AMISOM ay ku leeyihiin degmada Buula-Barde.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in dagaalku uu socday muddo saacad ah, isla markaana labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan.

Dagaalka waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimaso iyo dhaawac.

Hal askariĀ  oo ka tirsan tirsan Ciidanka Militirga ayaa dagaalka ku dhintay, Sida ay sheegeen Saraakiishii Xoogga.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ku dhaawacmay Dhame Axmed faarax Booniye oo ah abaanduulihii ciidamada dowladda ee la weeraray.

Sidoo kale saraakiisha xoogga ayaa sheegay in ay iska caabiyeen dagaalka kaga yimid Al-Shabaab isla markaasna ay saddex ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab ay weerarka ku dileen.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa guulo ka sheegtay dagaalka, iyagoona sheegay in ay saacado kooban ay magaalada la wareegeen, sida ay ku daabaceen warbaahintooda.

Ururka Al-Shabaab ayaa Saacadahii ugu dambeeyay dhaqdhaqaayo xooggan ka waday qeybo badan kamid Gobolka Hiiraan, waxaana lagu arkay deegaano cusub.