Puntland oo ciidamo horleh geysay degmada Baran ee gobolka Sanaag

24

Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland, oo maalmo ka hor gaaray degmada Baran nee gobolka sanaag ayaa si rasmiya loogu wareejiyay Amniga degmadaas haatanne ka bilaabay dhaq dhaqaaq ciidan.

Ciidanka Daraawiishta puntland ayaa la sheegay in lagu amray in ay hawlgal xooggan ka bilaaban gudaha magaaladaasi si loo xaqiijiyo Amniga oo muddooyinkii u dambeeyay habacsanaan laga dareemay sida ay sheegeen ilo wareedyo knn la hadlay.

Ciidanka waxa sidoo kale lagu amray in ay magaalada ka nadiifiyaan astaamaha maamulka Somaliland, islamarkaana ay xabsiga dhigaan, haddii cid ka tirsan Somaliland isku dayo in ay soo gasho gudaha degmada Baran.

Sidoo kale, waxa Ciidanka la faray in ay si adag ula dagaallaman dadka ka ganacsada maandooriyaha, gaar ahaanna Khamriga kuwaas oo mudooyinkii dambe ku soo badanayay magaalada Badhan.

Arrintaan ayaa ka dambeysay kagadaal markii guddiga doorashooyinka soomaaliland ay diiwaan-gelinta doorashooyinka ka bilaabeen gobolada sool iyo sanaag qeybo kamid ah.