Mareykanka oo sheegay in aysan aqbali doonin doorasho hal dhinac ah

3

Safiirka Mareykanka u qaabilsan arrimaha soomaaliya Doland Yamamoto ayaa si kulul ugu hadlay ismari waagga ka taagan arrimaha doorashooyinka iyo khilaafka hareeyay, kadib markii uu kulan la qaatay qaar ka mid ah musharixiinta mucaaradka ah.

Yamamoto ayaa sheegay in aysan aqbali doonin doorasho hal dhinac, ismarkaana aysan qaadan doonin doorasho isbarbar socota.

Sidoo kale safiirka Mareykanka ee arrimaha soomaaliya ayaa ka digay in khalalaaso siyaasadeed oo ka dhashay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

“Ma aqbaleyno doorasho hal dhinac ah, ma aqbaleyno doorasho isbabar socoto mana aqbaleyno dagaal”

Warka safiirka Mareykanka ayaa ku soo aadaya xilli beesha Caalamka ay dadaal ugu jirta in xal laga gaaro is mari waaga doorashada, iyadoo cadaadis ku saareysa dhinacyada kala duwan inay wada hadal yeeshaan, waxaana xusid mudan in dadaalada uu qeyb ka yahay Madaxweyne Cabdicaiis Lafta-gareen.