Wasiir Dubbe oo sheegay in 100 maxbuus ciidamada Jubaland looga qabtay dagaalkii Beled-Xaawo

11

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidankii soo weeraray degmada Beled-Xaawo lagu jebiyay dagaalkii dhacay xalay iyo saakay.

Sidoo kale wasiir Dubbe ayaa sheegay in dagaalka ay ciidamada dowladdu ku ku qabteen ilaa 100 askari oo maxaabiis, kuwaas oo ah ciidankii wasiir Janan ee xalay weeraray Beled-Xaawo.

Sidoo kale wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in ciidamada dowladda Kenya ay qeyb ka ahaayeen dagaalkii ka dhacay magaalada Beled-Xaawo.

“Ciidanka Kenya iyo jabhadii ay quudineysay ayaa xalay saq dhexe soo weeraray Beled-Xaawo, iyagoo ka soo gudbay xuduuda si ay u qabsadaan magaalada muhiimka ah ee Beled-Xaawo, taasi oo dhaawaceysa Qaranimada iyo Madax banaanida dalkeena,” ayuu yiri wasiir Dubbe.

Wasiirka oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Jabhadii iyo ciidankii shisheeye in laga adkaaday ayaan shacabka ugu bishaareynayaa iyo in ku dhow 100 maxbuus ayaa dagaalka lagu qabtay, waana la jebiyay.”

Jubbaland ayaa iyana dhankeeda guulo ka sheeganeysa dagaalkii ka dhacay magaalada Beled-Xaawo, waxayna wararkii u dambeeyey sheegayaan in ciidamada dowladda federaalka ay hadda ku sugan yihiin magaalada, waxaana jira khasaare xoog leh oo dagaalka ka dhashay.