7-Qof oo maanta siyaabo kala duwan loogu dilay Muqdisho

110

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta siyaabo kala duwan loogu dilay ilaa 7-qof oo isugu jirtay askar iyo dad shacab ah, halka lagu dhaawacay dad masuuliyiin ah.

Ugu horeyn qarax wadada dhinceeda la dhigay ayaa lagu dilay ugu yaraan afar askari oo ilaalo u ahayd labo xildhibaan oo hore, kuwaas oo iyagana lagu dhaawacay qaraxa.

Xildhibaano hore Muxudiin Xasan Afrax iyo Xuseen Carraale oo qaraxaas lagula beegsaday xaafadda Beexaani ee degmada Shibis ayaa haatan dhaawacyadooda lagu dabiibayaa isbitaalka Digfeer ee magalaada Muqdisho.

Dhinaca kale suuqa Bakaaraha ayaa rag ku hubeysnaa bastoolado waxay hal goob ku dileen laba nin oo odayaal ahaa, xilli ay ku sugnaayeen gudaha suuqa, waxaana baxsatay kooxdii fulisay weerarkaas.

Illaa hadda ma cadda sababta loo dilay raggaas iyo cidda dishay toona.

Dhanka degmada Wadajir waxaa lagu dilay askari ka tirsanaa qeybta minishiibiyada ee booliska Soomaaliya, xilli uu isgoyska Korontada canshuur uga uruurinayey gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano BL-ka.

Waxaa baxsatay kooxdii dishay askarigaas oo ku hubeysneed bastoolado, qaar ka mid dilalkaasna waxaa sheegatay kooxda Al-Shabaab.