Wariye Axmed Cabdinuur oo maanta lagu aasay London

3

Waxaan maanta magaalada Londan ee dalka Ingiriiska lagu aasay wariye Axmed Cabdinuur oo horraantii bishaan ku geeriyooday magaaladaaasi.

Marxuumka ayaa salaadda jinaasada  lagula tukaday Masaajidka Edmonton, waxaana ka qeyb galay dad kooban oo ay kamid yihiin wariyeyaal, ehelka wariya iyo dad kale.

Wariye Axmed Cabdinuur ayaa sida eheladiisu sheegeen u geeriyooday xanuunka safmarka ah ee Covid-19, oo uu muddo la xanuunsanayay.

Axmed Cabdinuur ayaa sanadkii 2019-kii ka fariistay shaqada Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, oo markii hore uu ku soo biiray sanadkii 1996.

Axmed Cabdinuur ayaa shaqada saxaafadda ku soo biiray 1982 markaas oo Radio Muqdisho uu ka shaqo billaabay.

Waana tiir weyn oo ka baxay bahda warbaahinta iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.