Daacish oo sheegatay Qaraxyo ka dhacay Ciraaq

8
epa08955010 Iraqi security forces stand amid used clothes thrown on the floor, at the site of two bomb explosions in a central Baghdad used clothes market, Iraq, 21 January 2021. According to local media reports, two bombs exploded in a popular commercial area in central Baghdad on 21 January morning. At least 28 people were killed and dozens were injured. EPA/AHMED JALIL

Dagaalamayaasha isku magacaabey Dowladda Islaamka ee Daacish ayaa sheegtay inay ka dambeysay weeraradii ismiidaaminta ahaa ee Maalinkii shaley gilgiley Caasimadda Wadanka Ciraaq ee Baqdaad halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraantii 32 qof iyo in badan 100 qof.

ISIS ayaa Bartilmaameedkeeda Qaraxyadaasi ku sheegtey in uu ahaa Shiicada Muslimiinta ah, sida ay ku sheegay war lagu daabacay wakaaladda wararka Dagaalamayaasha ee Amaq, iyada oo qaraxyadaasina ay ahaayeen kuwii ugu cuslaa oo mudo kabadan sedexsano ka dhacay Ciraaq.

Daacish ayaa mar gacanta ku heyn jirtay 88,000 isku wareeg km (34,000 isku wareeg meyl) oo dhul ah laga soo bilaabo bariga Ciraaq ilaa galbeedka Suuriya waxayna xukunkooda adag ku soo rogeen ilaa siddeed milyan oo qof.

Inkastoo IS looga adkaaday dagaalka, warbixin ay bishii August soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in in ka badan 10,000 oo dagaal yahanno IS ah ay ku sugan yihiin Ciraaq iyo Suuriya.