Israa’iil oo duqayn ku dishay qoys dhan

5

Afar qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan laba carruur ah, ayaa lagu dilay duqeymo Israel ay ka geysatey gobolka Hama ee Suuriya subaxnimadii Jimcaha maanta ah, sida ay ku warantay wakaaladda wararka Suuriya ee SANA.

SANA oo soo xiganaysa ilo milatari oo reer Syria ah ayaa sheegtay in difaaca cirka ee wadankaasi uu ka jawaabay gantaalada Isra’el ay ku garaacday gobolka bartamaha ee Dalkaasi.

Markii dambe waxay tiri “gardarrada Isra’el waxay dhalisay in qoys ku shahiido, oo ay ku jiraan aabe, hooyo iyo laba carruur ah”, iyadoo intaa ku dartay “afar qof oo kale ayaa la dhaawacay iyada oo saddex guri  lagu burburiyey geesaha galbeedka ee magaalada Hama”.

Kormeerayaasha Suuriya ee Xuquuqda Aadanaha ayaa sheegay in duulaanka Isra’el ay ku bartilmaameedsadeen goobo milatari oo Suuriya ah ayna keeneen “burbur” shan ka mid ah aagga Hama halkaasi oo ay ku sugan yihiin dagaalyahanno ay taageerto Iran.

Laakiin kormeeraha dagaalka ayaa sheegay in dadka rayidka ah ay dileen “Firiro ka yimid mid ka mid ah gantaalada difaaca lidka diyaaradaha ee Siiriya oo ku dhacay guri ku yaal xaafad ay dad badani ku badanaayeen.”

Ciidamada Isra’el ayaa si dhif ah u qirta duulaamada Syria, iyaga oo diiday  in ay ka hadlaan warbixinnadii ugu dambeeyay markii ay la soo xiriireen wakaalada Wararka ee AFP Maanta oo Jimca ah.