Dhalinyaro ku geeriyootay xeebta Hobyo

5

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi ay maanta ku dhinteen laba dhalinyaro ah kadib markii ay laqday badda oo ay u dabaaltageen.

Dhalinyaradan ayaa lagu kala magacaabaa Dr Cabdirisaaq Cawil Durmad Iyo Abshir Xasan Diiriye, waxayna ahaayeen dhaqaatiir

Dhalinyaradan ayaa ka howl gali jiray ka Isbitalka deegaanka Gawaan, waxayna Maanta oo Jimce ah u dalxiis iyo dabaal tageen Magaalo Xeebeedka Hobyo Ee Gobolka Mudug’, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Xeeb magaalada Hobyo ayaa la sheegay in ay maalmahan kacsaneyd, waxaana xiligaan oo kale fudud in ay qaado dadka aan sida xeesha dheer u garaneyn dabaasha.