Guddoomiyihii Degmada Hodan oo maanta Muqdisho lagu aasay

5

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo Mas’uuliyiin ka tirsan heer Federaal iyo Gobolka ayaa ka qeyb galay Aaska Allaha u naxriiste Guddoomiyihii Degmada Hodan Marxuun Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhaga-juun).

Marxuumka ayaa salaada janaasada lagula tukaday masjidka Isbahaysiga Islaamka iyadoona lagu aasay gudaha Degmada Hodan ee uu Marxuumka Guddoomiye ka ahaa ka hor geeradiisa.

Dhammaan Mas’uuliyiinta ka qeyb-galay Janaasada Allaha u Naxriistee Marxuum Cabdixakiim Dhaga-juun ayaa eebbe uga baryay in uu jannadii Firdowso ka waraabiyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada booliska ay mas’uul ka ahaayeen dilka guddoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiim Dhagajuun oo ka dhacay agagaarka isgoyska Howlwadaag.

Cabdixakiim ayaa gelinkii hore inta aan la dilin ka soo noqday safar caafimaad oo uu tagay dalka Turkiga, ka dib markii uu ku dhaawacmay qarax bishii November ee sanadkii hore lala eegtay baabuur uu saarnaa oo marayey waddada 21-ka October.