Galmudug oo la sheegay in Dhuusamareeb ay ka soo masaafurin doonto weriyaal lagu xiray magaaladaasi.

5

Ciidamada ammaanka  ayaa waxaa  weli u xiran labo Wariye oo ka howgala magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud, kadib markii xalay laga qabtay Magaaladaasi.

Labada Wariye oo degaanada Galmudug ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed Cabdiwali Tooxow iyo Cabdullaahi Warsame Rooble.

Warar soo baxaya ayaa sheegay in weriyaasha la filayo in laga soo masaafuryo deegaanada Galmudug, halka warar kalana ay sheegayaan in lagu maxkamadeyn doono magaaldaa Muqdisho

Wariyeyaasha ayaa shalay iska soo duubay muuqaal ay ku sheegeen in dil iyo xarig ay ugu hanjabeen xubno ka tirsan xafiiska madaxweynaha Galmudug.

Weli maamulka Galmnudug ma uusan ka hadlin xariga weriyaashaasi