Qaraxyo ay dad ku dhinteen oo ka dhacay dalka Ciraaq.

6

Labo qarax oo ismiidaamin ah ayaa ka dhacay wado mashquul badan oo ku taalo bartamaha magaalada Baqdaad ee caasimada dalka Ciraaq.

Talafashinka qaranka ayaa wariyay in qaraxyada oo mataana ahaa ay sababeen qasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in illaa iyo haatan ay weerarka ku dhinteen sadax kamid ah booliska iyo todobo ruux oo shacab ah halka in kabadan 25 ruux oo shacab ahna ay ku dhaawacmeen.

Masuuliyiinta dowladda Ciraaq ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan ay ka hadlaan qaraxyadan ruxay caasimada dalkaasi ee Baqdaad.