Kenya oo sheegtay in Al-shabaab ay bur-buriyeen Shirkad Isgaarsiin oo ku taala Mandheera

14

War qoraal ah oo ka soo baxay  Guddoomiyaha Magalada Mandheere Cali Ibraahim Roba ayaa waxaa uu kaga hadlay weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen shirkad isgaarsiineed ee ku taalla magaaladaasi.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in weerarka uu dhacay   deegaanka Sarmaan Magaalada Mandheera  ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Sidoo kale Guddoomiya ayaa sheegay in goobta uu weerarka ka dhacay  uu 20km u jiro Xaduudka Soomaaliya, isla markaana koox hubeysan ay burburiyeen Xarun Shirkad Isgaarsiineyd.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in wax khasaaro uusan ka soo gaarin shaqaalaha shirkada isgaarsiineed ee la weeraray, isagoona sheegay in heegan buuxa ay ku jiraan ciidamada Kenya, si ay ugu hortagaan weerarada Al-Shabaab