Shir looga hadlayay Ammaanka garoonka Aadan Cadde oo lagu qabtay Muqdisho

4

Shir looga hadlayay Amniga caasimadda gaar ahaan degmooyinka ku xeeran garoonmka diyaaradaha ee Aadan cadde ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Shirka oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda amniga XFS waxaa ka qayb galay Xafiiska QM ee UNSOM, AMISOM iyo wasiiru dowlaha wasaaradda amniga Farxaan Cali Axmed.

Wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo kulanka ka qeyb galay ayaa wasaaradda amniga dalka ku bogaadiyey dadaalka ay ugu jirto xaqiijinta amniga dalka guud ahaan iyo gaar ahaan ilaha muhiim ka ah sida garoomada.

Wasiiru dowlaha Amniga XFS Farxaan Cali Axmed ayaa sheegay oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in kulankaan muhiim u yahay in xaqiijinta amniga garoonka iyo degmooyinka u dhaw.