Wasiir hore oo geeriyooday & Puntland oo ka hadashay

16

Waxaa geeriyooday Wasiirkii hore ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Puntland Cabdi Ismaaciil Boss, iyada oo uu ka hadlay Madaxweynaha Puntland.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa looga tacsiyadeeyay Asxaabtii iyo qaraabadii uu ka baxay Wasiir Hore marna soo noqday Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Puntland.

Hoos ka Akhriso Qoraalka Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan xukuumadaba waxa uu ka tacaiyaynayaa geerida Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Cabdi Ismaaciil Boss.

AHUN Cabdi Ismaaciil Boss ayaa waxbadan kasoo shaqeeyay Dowladdnimada iyo horumarka Puntland, wuxuu soo noqday Wasiirkii Beeraha iyo Guddoomiyaha Bangiga  Puntland.

Madaxweynaha Puntland waxa uu tiiraanyada geerida Wasiirka la wadaagayaa ummadda Soomaaliyeed, Shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay marxuumku, waxa uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro , Jannatul fardawsana ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo eheladiisii.