Israel oo duqeysay Gaza ee dhulka Falastiin

4

Diyaaradaha Israel ayaa maanta duqeyn ka fuliyay magaalada Gaza ee dhulka Falastiin,iyadoona la soo warinayo khasaare ka dhashay.

Af-hayeen u hadley Ciidamada Yahuuda ayaa sheegay in ay ka jawaabeen gantaalo ay ku soo tuureen Xamaas oo dagaal adag kula jirta.

Waxaa jira khasaare xooggan oo soo gaarey dhismayaal u badan guryo ay deganaayeen Qoysas Falastiiniyiin ah.

Duqeymaha Israel ayaa ku soo aadaya xilli xoghayaha Qaramada Midoobay uga digtay in Israel ay joojiso guryaha cusub ee ay ka dhisaneyso Daanta Galbeed.