Puntland oo soo bandhigtay Ciidamo sugaya Amniga Gobolka Sanaag

14

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Puntland Cabdirashid Yuusuf Jibril iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta kormeeray Dugsiga Tababarada Ciidamada ee magaalada Badhan.

Dugsiga oo xilligan tababar uu uga socdo cutubyo cusub oo ku biiraya Ciidamada difaaca Puntland ayaa waxaa madaxdu ay kuurgaleen xaaladda ciidamada, iyagoo warbixin ka dhageystay saraakiisha tababarka bixinaysa.

Guddoomiyaha iyo wefdigiisa ayaa ugu horeyn salaan sharaf ka qaatay ciidamada tababarku uu u socdo, kadibna waxay meel fagaare ah ku daawadeen dhuulatus ay ciidanku soo bandhigeen oo ka turjumaya tababarkii iyo aqoontii la siiyey.

Guddoomiyaha ayaa bogaadiyey Ciidamada tababarka uu u socdo, wuxuuna kula dardaarmay in casharada iyo aqoonta lasiiyey ay ka faa’ideystaan.

Wefdiga Guddoomiyaha ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xasan Shire Cabdi ahna Guddoomiyaha dib u habeynta ciidamada, Wasiirka Wasaaradda Amniga Cabdisamad Maxamed Gallan, Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Sarreeye Gaas Yaasiin Cumar Dheere, Taliyaha Ciidamada Booliska sarreeye guuto Cabdi Xassan Xuseen, Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Sahal, Xildhibaan Axmed Cabdiraxmaan Jaamac, Taliyeyaasha kala-duwan ee Ciidamada ka hawlgala Gobolka Sanaag, Maamulka Gobolka, kan Degmada iyo saraakiil kale.

Ciidmada uu tababarka u socdo ayaa Puntland waxaa ay u diyaarineysaa amniga sugida Amniga Gobolka Sanaag oo meelo kamid ah ay ku muransan yihiin Soomaaliland.