Axmed Madoobe iyo Xubnaha Beesha Caalamka oo ka shiray Doorashada

3

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan kula qaatay hab maqal iyo muuqaal ah Wakiilada beesha Caalamka u jooga Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Wakiilada Qaramada Midoobay Midowga Yurub iyo Safiirada dalalka Maraykanka Ingiriiska Sweden Itoobiya iyo Danjirayaal kale.

Ujeedada kulankan ayaa ahaa sidii loo dardar galin lahaa Arimaha muhiimada u leh xaalada hada lagu jiro gaar ahaan Amaanka iyo Doorashooyinka.

Masuuliyiintu waxay isla soo qaadeen sida ay ahmiyada weyn u leedahay in wada hadal lagu dhameeyo is marin waaga ka taagan arrimaha Doorashooyinka taas oo ah xalka ugu haboon ee laga gudbi karo waqtigan kala guurka ah.