Wafdi Ka Socday Maxkamadda Ciidamada Oo Gaaray Magaalada Jowhar

19

Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa Maanta waxaa gaaray Guddoomiyaha Maxkamadda darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida qeyta 27-aad ee ka howlgasha deegaanada Maamulkaas.

Guddoomiye Maxamed Amiin Cabdulle Aadan iyo wafdi Saraakiil ah oo la socday ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Jowhar kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabeelle iyo xubno kale.

Ujeedka Guddoomiyaha Maxkamadda darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida qeyta 27-aad ee Jowhar ayaa waxaa uu yahay sidii u bilaabi lahaa Arrimo ku aadan Dacwado kala duwan iyo kiisas ay ka dhageysan doonto Maxkamadda.

Guddoomiye Maxamed Amiin Cabdulle Aadan ayaa ku sugan yahay Caasimadda Hirshabeelle ayaa waxaa uu booqdan doonaa furumaha dagaalka Ciidanka dowladda iyo kuwa Daraawiishta Hirshabeelle ay ku leeyihiin Gobolka Shabeellaha Dhexe.