Maamulka Garasbaaleey Oo Ka Hadlay Mas’uuliyiintii Qaraxa Lagu Dilay

14

Maamulka deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka deegaankaas oo barqadii Maanta ku geeriyooday qarax xoogan oo lala beegsaday.

Guddoomiyaha deegaanka Garasbaaleey Cabdiraxmaan Axmed Cali (Garyare) oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in qaraxii ay ku geeriyoodeen Mas’uuliyiin ka tirsanaa deegaankaas uu ka dhacay Waaxda labaad ee Geeddi fareey ee Garasbaaleey.

Qaraxaas ayuu Guddoomiye Cabdiraxmaan Axmed ku sheegay inuu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah, isla markaana lala beegsaday Guddoomiye ku-xigeenkii amniga iyo siyaasadda Garasbaaleey Cali Maxamed Macalin iyo Guddoomiyihii dhalinyarada Cabdirashiid Cali Dubbad, iyagoona lagu aasay Isbitaalka Madiina.

Sidoo kale Guddoomiye Garyare ayaa Mas’uuliyiinta geeriyooday Alle uga baryay inuu Janada ka waraabiyo, waxaana uu sheegay in dadkii ka dambeeyay qaraxa ay soo qaban doonaan, si cadaalada loo marsiiyo. Mas’uuliyiin kala duwan uu kamid yahay Duqa Muqdisho ayaa ka qeyb galay Aaska loo sameeyay Mas’uuliyiinta iyo 2 Askari kale.

Guddoomiyihii Ururka dhalinyarada deegaanka Garasbaaleey Marxuum Cabdirashiid Cali Dubbad ayaa waxaa uu ahaa wiil dhalinyaro ah oo aad u firfircon, sidoo kalena kasoo shaqeeyey mid kamid ah Idaacaddaha ku yaalla Caasimadda dalka ee Muqdisho.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayey ku sheegteen Mas’uuliyada qaraxii Maanta ka dhacay xaafadda Xoosh, iyadoona ay sheegay inay ku dileen Cali Maxamed iyo Cabdirashiid Dubbad.