Ciidamada Dowladda oo fuliyay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab

16

Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya qeybtooda ku sugan Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sameeyeen howlgallo kala duwan oo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.

Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ayaa howlgalka waxaa ay sigaar ah uga sameeyeen deegaano u dhaxeeya degmada Luuq iyo degaanka Gedweyne, sida Tooloyinka Shatalow, Muraadqabo, Aroosow iyo Garbolow.

Saraakiisha Ciidamada Nabadsugida ee howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen in uu yahay mid ka dhan ah Al-Shabaab, sidoo kalena lagu Ilaalinayo xasiloonida Guud ee Gobolka Gedo.

Degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo ee Maamulka Jubbaland ayaa waxaa mararka qaar weeraro ku qaada Saldhigyada Ciidamada Xubno ka tirsan Al-Shabaab.