Galmudug oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan Al-Shabaab.

16

Axmed Macalin Fiqi   Wasiirka amniga ee maamulka Galmudug iyo mas’uuliyiinta kale oo booqdey furimaha hore ee deegaanka Bacaadweyne ayaa sheegay in Maamulku Galmudug uu qayb ka yahay Dagaalka dadka deegaanka ay kula jiraan Al-Shabaab.

Wasiirka amniga ee Galmudug oo kaashanaya dadka Shacabka ah ayaa sheegay in ay  diyaar u yihiin inay  Al-Shabaabka ka saaraan degaannada ay ka joogaan Gobolka Mudug.

Sidoo kale  wasiirka ayaa Waxaa uu u mahad celiyay Shacabka Gobolka Mudug oo uu sheegay inay u dhabar adeegeen inay iska difaacaan Al-Shabaab oo uu sheegay in ay dhibaatooyin kala duwan ku hayaan dadka deegaanka.

Wasiirka oo sii hadlayay ayaa ku dhawaaqay in dagaal ka dhan ah Al-Shabaab uu bilaaban doono maalmaha soo aadan.

Wasiirka amniga Galmdug ayaa maalmihii la soo dhaafay abaabul dagaal ka wada degaanada ka tirsan gobolka Mudug, kuwaasi oo horey uga dhacay dagaal u dhexeeyay dadka deegaanka iyo dagaalameyaasha Al-Shabaab.